Wadamada ugu farxada iyo murugada badan aduunka oo la soo bandhigay, kaalintee galeen Sweden iyo Somalia?

6

Baaritaan ay samaysay Qaramada Midoobeey ayaa lagu soo bandhigay wadamada ugu farxada iyo murugada badan aduunka. Baaritaanka oo lagu magacaabo World Happiness Report ayaa waxaa ka qeyb qaatay 157-wadan. Liiska oo dhinacyo badan oo xaga nolosha, shaqada, caafimaadka, dowladnimada iyo arimo kale ka eegay bulshada ayaa waxaa kaalinta 1-aad galay wadanka Denmark, oo ay soo raacaan Switzerland, Iceland, Norway iyo Finland.

Sweden oo liiskaan horay kaalimaha hore ka gali jidhay ayaa aad hoos ugu dhacday, iyadoo su’aashu ay tahay waa maxay sababta aysan Swedishku u faraxsanayn? Sweden ayaa gashay kaalinta 10-aad. Sanadkii hore ayaa Sweden waxay gashay kaalinta 8-aad iyadoo sanadkaan labo kaalimood hoos u dhacday.

Dhinaca kale, wadanka Burundi oo galay kaalinta 157-aad ayaa noqday wadanka ugu murugada badan aduunka. Iyadoo ay soo raacaan wadamada Syria, Togo, Afghanistan, Benin, Rwanda, Guinea, Liberia, Tanzania iyo Madagascar. Wadankeena Somalia ayaa galay kaalinta 76-aad taasoo ka dhigaysa in dadka ku nool Somalia ay ka farxad badan yihiin dadka ku nool 82 wadan oo kale.

Liiska wadamada ayaad ka helaysaa halkaan: http://worldhappiness.report/

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here