Sidee Soomaalida u saameynayaa heshiiska qaxootiga ee Turkiga iyo EU?

7

Maanta waxaa si rasmi ah heshiis u gaaray wadanka Turkiga iyo Midwoga Yurub oo ku heshiiyay in dhamaan qaxootiga ka soo gala Greece dhinaca Turkiga dib loogu celin doono Turkiga isla marka ay soo gaaraan Giriiga. Markii dadkaasi la celiyo ayaa Yurub waxay Turkiga ka soo qaadi doonaan qaxootiga Syria oo sanadkii ay soo qaadi doonaan 72 000 qof. Dhamaan dadka ka soo jeeda wadamada kale ayaan soo dhaafi doonin Turkiga.

 

Soomaalida oo horey Giriiga ka soo gali jidhay ayaa durbadiiba lagu celin doonaa Turkey, iyadoo markaasi ay u taalo dowlada wadankaasi sida ay ka yeelayso. Heshiiska ayaa dhaqan-gali doona maalinta Axada ee taariikhdu tahay Maarso 20, 2016. Qaxootiga hadda ku sugan Giriiga oo ku dhawaad ah 45 000 qof ayaan dib loo celin doonin.

Heshiiska ayaan qabanayn qaxootiga ka soo galaya dhinaca Libya, taasoo ah waddo ka qatar badan dhinaca Giriiga iyo Turkiga oo ay ku geeriyoodaan dad badan isla markaana qaxootiga si xun loola dhaqmo marka ay joogaan Libya.

Heshiiska ayaa Turkey waxaa lagu siin doonaa lacag ka badan 3 bilyan oo Euro oo hada la siinayo iyo 3 kale oo labo sano ka dib la siin doono. Waxaa sidoo kale dhamaan dadka u dhashay Turkey ay viiso la’aan ku soo gali doonaan wadamada EU-da isla markaana waxaa bilaaban doona wada-hadaladii ay Turkey uga mid noqon lahayd xubin ka mid ah Midowga Yurub.

Heshiiskaan oo ay si weyn u taageersantahay raysal wasaaraha Germany oo wadankeeda ay soo galeen qaxooti ka badan 1 milyan sanadkii hore ayaa ah mid lagu doonayo in lagu xakameeyo qaxootiga faraha badan ee soo galaya Yurub. Balse heshiiskaan ayaa waxaa cambaareeyay ururada u dooda xuquuqda qaxootigsa sida UNHCR.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here