Raysal wasaraaha Sweden oo ka hadlay weerarka ka dhacay Belgium

18

Saaka xiligii shaqada loo dareeray waxaa weerar argagixiso lagu qaaday magaalada Brussels ee caasimada Belgium isla markaana ah fadhiga midowga Europe (EU). Weerarkaan oo ka dhacay ayroboorka iyo tareenada dhulka hoostiisa mara ayaa ilaa hada waxaa la soo sheegayaa in ay ku geeriyoodeen dad ku badan 30 qof.

Raysal wasaraaha Sweden Stefan Löfven ayaa durbadiiba hadal bixiyay arintaan, isagoo saxaafada u sheegay in uu weerarkaan yahay mid ka dhan dimoqraadiyada Yurub. Waxa uu intaasi ku daray in dowladu ay xaalada daqiiqad kasta la socoto. Iyadoo hadda la adkeeyay amaanka goobaha muhiimka ah ee Sweden, sida Ayroboorka Arlanda.

Waxaa sidoo kale ka hadlay arintaan hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka Sweden, sida Anna Kinberg Batra oo hogaamisa Moderaterna (M) waxay Twitter ku qortay in “lala dagaalamo argagixisada. ”

Weerarkaan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaa ee dhawaan ka dhaxa wadamada Yurub ka dib weerarkii ka dhacay magaalada Paris sanadkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here