Labo nin oo qaxooti ah oo ku kacay arin foolxun oo xabsi iyo musaafurin lagu xukumay

3

Shalay waxaa maxkamad ay labo sano oo xabsi ah iyo musaafurin ku xukuntay labo nin oo markii hore isku dhiibay in ay yihiin caruur qaxooti ah. Labadaan nin ayaa lagu maxkamadeeyay ka dib markii ay wiilyar oo 12-sano jir ah ay ku kufsadeen magaalada Alvesta bishii Janaayo 4. Raggaan ayaa markii ay isdhiibeen waxay sheegteen in ay yihiin 15 iyo 16 sano balse maxkamada ayaa sheegtay in ay yihiin qaangaar oo mid ka mid ah uu dhashay 1977.

Raggaan ayaa markii ay kufsiga u geysteen wiilka yar ayay xitaa ka duubeen video ay moobeelkooda ku kaydiyaan kaasoo ay maxkamadu u isticmaashay cadeyn ahaan. Labadaan nin oo ka soo jeeda Afghanistan ayaa marka ay dhamaystaan xabsiga laga musaafurin doonaa Sweden.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay ficilo la xiriira kufsi ay ku kacaan qaar ka mid ah dhalinyarada isku dhiibta caruurta qaxootiga ah. Booliska ayaa shalay sidoo kale soo xiray nin 19-sano jir ah oo lagu eedeeyay in uu xero qaxooti oo ku taala gobolka Västernorrland ku kufsaday wiilyar oo 6-sano jir ah oo isagana qaxooti ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here