LA YAABKII ADUUNKA: Xafiiska Shaqada Sweden oo 100 milyan ku qasaariyay website fashilmay

5

Xafiiska Shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen) oo lagu yaqaano habacsanaan iyo hawlxumo ayaa isbuucaan galay fadeexad weyn ka dib markii ay soo baxday in ay 100 milyan oo kr ku qasaariyeen sameynta website cusub oo xitaa aysan ku guuleysan in ay sameeyaan. Wareysi ay SVT la yeelatay ninka qaabilsan arintaan oo lagu magacabo Erik Sandström ayuu sheegay in aysan u suurto galin in ay sameeyaan website fiican.

Waxaa taasi ka sii daran in Arbetsförmedlingen ay hadda doonayaan in ay lacag dheeri ah iyo waqti dheeri ah ku sii bixiyaan sameynta websiteka balse ay hoos u dhigeen damacooda oo ay ka laabteen in ay website cusub sameeyaan balse ay waxyaabo yaryar ka badalaan midka hadda jira. Laakiin 100 milyan kr ayaa qasaartay oo ku baxday isku daygii fashilmay ee lagu sameynayay websiteka cusub.

SVT ayaa sheegay in aysan u suurto galin in ay war cad ka helaan halka lacagtaan faraha badan ku baxday. AF ayaa ku doodaya in aysan ka fikirin dhibaatada teknoolojiyada balse arintaas ayaa ah mid lagu qoslo ka dib markii ay qasaariyeen 100 milyan oo kr oo shaqo u abuuri lahayd dad fara badan. In Website lagu sameeyo lacagtaas ayaa ah mid la yaab ah, iyadoo xitaa ninka abuuray shirkada Klarna uu sheegay in uu 2 milyan ku sameynayo websitekaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here