Wiilkii Soomaaliga ah ee Mölndal ku dilay gabadha oo la sheegay in uu qaangaar yahay

7

Wiilkii Soomaaliga ah ee gabadha ku dilay magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg bilowga bishii Janaayo ayaa baaritaan dheeri ah oo ay samaysay laanta Socdaalka lagu sheegay in uu yahay qaangaar 18-sano jir ah. Wiilkaan ayaa markii uu dilka geystay da’iida lagu sheegay in uu yahay 15-sano jir taasoo muhiimad weyn u leh cinqaabka uu mudan karo.

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) oo wareysi ka qaaday wiilkaan ayaa hadda ku sheegtay in da’diisa tahay 18-sano jir. Go’aankaan ayaa ku salaysan su’aalo la weydiiyay wiilka balse kuma salaysna baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay.

Dambi oogaha qaabilsan kiiska wiilkaan oo lagu magacaabo Linda Wiking ayaa sheegtay in isbedalka lagu sameeyay da’da wiilkaan ay muhiimad u leedahay kiiska ka dhanka ah. Hadda ayaa waxaa loo maxkamadeyn doonaa sida qof weyn oo aan loola dhaqmi doonin in uu caruur yahay.

Sidoo kale Laanta Socdaalka ayaa diidmo siisay wiilkaan ku aadan magangalyadii uu dalbaday.

Wiilkaan ayaa middi ku dilay gabar u dhalatay wadanka Lebanon oo ka mid ahayd shaqaalaha guriga uu ku noolaa.

Dilka uu geystay wiilkaan ayaa argagax weyn ku dhaliyay Swedishka, iyadoo markii hore la sheegay in madaxa looga jiro balse dambi oogaha ayaa sheegtay in ay wali baaritaan ku hayaan wiilkaan oo aysan sheegi karin in uu xanuunsanyahay iyo in kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here