Soomaaligii gabadha dilay oo la sheegay in uu waalan yahay

9

Wiilkii Soomaaliga ah ee gabadha ku dilay magaalada Mölndal ee duleedka Göteborg bilowga bishii Janaayo ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in uu waalanyahay. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xiligii uu ninkaan gabadha dilka u geystay iyo marka laga qaaday baaritaanka caafimaadka uu ahaa mid madaxa looga jiro.

Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan ninkaan oo markii hore da’diisa lagu sheegay 15-sano jir balse isbuucii hore ay Laanta Socdaalka sheegtay in uu ka weynyahay 18-sano. Haddii baaritaanka ugu dambeeya uu muujiyo in uu waalanyahay wiilkaan ayaa dhaqaatiirtu waxay ku talin doonaan in la geeyo xanaanada dadka waalan ama maanakoobiyo oo aan xabsi la dhigin.

Wiilkaan ayaa middi ku dilay gabar u dhalatay wadanka Lebanon oo 22-sano jir ah taasoo ka mid ahayd shaqaalaha guriga uu ku noolaa.

Dilka uu geystay wiilkaan ayaa argagax weyn ku dhaliyay Swedishka, iyadoo markii hore la sheegay in madaxa looga jiro balse dambi oogaha ayaa sheegtay in ay wali baaritaan ku hayaan wiilkaan oo aysan sheegi karin in uu xanuunsanyahay iyo in kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here