Mohamed Gure oo Borlänge ka laabtay si uu wasiir uga noqdo Somalia

5

Mohamed Gure oo Sweden soo galay sanadkii 2009 ayaa ka mid-noqday xubnihii loo xushay in ay ka mid noqdaan wasiirada maamulka Galmudug ee Somalia. Gure oo dhawaan ka mid ahaa gudi wasiiro ah oo maamulkaasi ka socday oo soo gaaray Sweden ayaa dib ugu laabtay magaalada Borlänge isaga oo u waramay wargeyska Dalarna Tidning.

Gure ayaa sheegay in sababta ay u yimaadeen Sweden in ay tahay in ay wax ka bartaan nidaamka siyaasada iyo maamulka ee Sweden qaasatan magaalada Borlänge oo Soomaali badan ku nooshahay.

“Waxaan nahay maamul cusub oo waxaan doonaynaa in aan barano sida nidaamka Sweden u shaqeeyo oo waxaan u baahanahay aqoon” ayuu yiri Mohamed Gure oo ah wasiirka Shaqada iyo Dib u dhiska ee Galmudug.

Maadaama uu familkiisa wali ku noolyahay Borlänge ayaa wax laga waydiiyay sida uu isugu keeno in uu Somalia wasiir ka yahay iyo familkiisa. Waxa uu sheegay in ay tahay arin adag balse uu dhowrkii biloodba mar uu soo booqdo qoyskiisa. Balse waxa uu dib ugu laabtay wadankiisa in uu ka qeyb qaato dib u dhiska iyo horumarinta maamulka.

Maamulka Borlänge ayaa sheegay in ay ogolaasho ka heleen Wasaarada Arimaha dibada Sweden in ay qaabilii karaan wafdiga Galmudug maadaama ay yihiin wafdi ka socda wadan kale oo arimahaas ay maamusho wasaaradaasi. Maamulka Borlänge ayaa sheegay in ay aad uga farxeen booqashada wafdiga Galmudug maadaama ay Soomaali badan ku noolyihiin degmadaas.

Mohamed Gure ayaa ka mid ah xubno badan oo ka tirsan dowlada Somalia iyo maamul-goboleedyada oo ka laabtay qurbaha si ay uga qeyb-qaataan siyaasada iyo dib u dhiska Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here