Masaajid haweeney imam ka tahay oo laga furay Denmark

8

Magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark ayaa waxaa laga furay masaajid ay imam ka tahay haweeney keliya, balse ay ku tukan karaan ragga iyo dumarka. Haweenka ka dambeeya furitaanka masaajidkaan ayaa ku tilmaamay fikradooda mid ay doonayaan in haweenku ay kaalin muhiim ah ka qaataan arimaha masaajida isla markaana aysan ka helin tixgalin masaajida kale ee raggu hogaamiyaan.

Latifa Akay oo ka tirsan maamulka masaajidka cusub ayaa warbaahinta u sheegtay in aan dhibaato loo arkin in haweenku ay door fiican ka ciyaaraan arimaha diinta.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Yurub laga furo masaajid ay dumar imaam ka yihiin, iyadoo horay masaajid nuucaan oo kale ah laga furay magaalada London. Sidoo kale waxaa goobo kale oo masaajid lagu sheegayo kuwaasoo loo furay dadka qaniisiinta ah laga sameeyay wadanka Franciiska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here