Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku imaanaya Sweden

10

Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa maalinta arbacada ah ee bisha Maarso ay tahay 2 booqasho ku imaan doono wadanka Sweden qaasatan magaalada Stockholm. Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven iyaga oo ka wada hadli doona taageerada ay Sweden siiso Somalia iyo sida loo kordhin karo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doono wasiirada Teknoolojiyada iyo Horumarinta magaalooyinka Mehmet Kaplan, wasiirada deeqaha caalamiga ah Isabella Lövin iyo agaasimaha Hay’ada SIDA ee Sweden u qaabilsan deeqaha caalamiga.

Inta uu booqashada ku joogo Sweden ayaa madaxweynaha waxa uu sido kale la kulmi doonaa afhayeenka baarlamanka Sweden Urban Ahlin iyo boqorka Sweden Carl XVI Gustaf oo qasrigiisa ku qaabili doona madaxweynaha.

Dhamaan waxyaabaha ay ka wada-hadlaan labada masuul iyo booqashada madaxweynaha waxaad kala socon doontaa Somaliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here