Kumanaan qaxooti ah oo dib uga laabtay Finland, waa maxay sababtu?

4

Kumanaan ka mid ah qaxootigii dhawaan iska dhiibay wadanka Finland ayaa bilaabay in ay isaga cararaan wadankaasi oo dib ugu laabtaan wadankoodii, iyadoo ay sabab uga dhigeen qaboowga saa’idka ah ee wadankaasi ka jira iyo arimo kale. Sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters kumanaan qaxooti ka soo jeeda Iraq ayaa dib ula noqday codsigoodii magangalyada. Tirada qaxootiga dib u ceshaday codsigooda ayaa lagu tilmaamay 70% kuwa ka soo jeeda Iraq.

Wakaalada wararka Reuters ayaa wareysi ay la yeelatay mid ka mid ah shirkadaha diyaaraha u adeega soo galootiga ayuu u sheegay in qaxootigu ay dhibsadeen cimilada qaboow, cunto xumo iyo in aysan soo dhaweyn fiican ka helin dadka reer Finland. 32,000 qof ayaa iska dhiibtay Finland sanadkii tagay balse waxaa sharciga la siiyay 3700 qof oo keliya.

Maadaama kumanaan qaxooti ah ay codsadeen in dib loogu celiyo wadankoodii ayaa dowlada Finland ay bilowday in ay diyaarado u kireyso qaxootiga doonaya in ay dib ugu noqdaan Iraq.

Sidoo kale wadanka Germany ayaa laga soo sheegayaa arintaan mid la mid ah maadaama ay muddo aad u dheer qaadato in qofka sharciga la siiyo isla markaana ay ku adagtahay luuqada wadanka iyo dhaqanka.

In qaxooti badan ay dareemayaan in ay ku soo lug goeen Yurub ayaa ah mid muuqata, iyadoo qaasatan wadamadaan ay yihiin kuwo aad u qaboow isla markaana ay muddo dheer qaadato in qofka go’aan laga gaaro taasoo qofka ka dhigaysa mid cuuryaan ah oo aan safri karin isla markaan aaan waxba qabsan karin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here