Deg Deg: Wiil Soomaali ah oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Göteborg

9

Wararka naga soo gaaraya magaalada Göteborg qaasatan xaafada Angered ayaa sheegaya in wiil Soomaali ah oo da’diisu lagu sheegay 20-meeyo in uu ku geeriyooday shil gaari oo saaka aroortii ka dhacay meel dawaarad ah. Booliska ayaa sheegay in ay labo gaari isku dheceen oo wiilka uu soo gaaray dhaawac culus oo markii hospitaalka la geeyay uu halkaasi ku geeriyooday.

Booliska ayaan wali xaqiijin sida uu shilka u dhacay iyo cida gaariga kale wadatay ee shilka galay.

Wararka naga soo gaaraya dhinaca Soomaalida ayaa sheegaya in wiilkaan lagu magacaabo Yuusuf Xuseen oo dhawaan aroosay. Waxaan leenahay Allah u naxariisto familkiisa samir iyo iman allah ka siiyo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here