“Qaxootiga yaan la siinin baasaboorka Sweden, cayrtana ha laga goosto”

8

Fikradaasi waxaa soo jeediyay gudoomiyaha xisbiga Sverige Demokraterna (SD) Jimmie Åkesson. Isaga oo la hadlay idaacada Sweden ayuu sheegay in loo baahanyahay in xayiraad lagu sameeyo bixinta baasaboorka Sweden ilaa laga dhamaystirayo baaritaan ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha baasaboorka wadanka.

Åkesson ayaa soo jeediyay in guud ahaan la joojiyo bixinta baasaboorka, ka dibna aan baasaboorka la siinin qof aan luuqada baran, isla markaana aan qaadan dhaqan Swedishka. Waxa uu sheegay in wax badan ay ka qaldanyihiin nidaamka hada jira maadaama ay jiraan dad wadanka muddo ku noolaa oo aan luuqada aqoon isla markaana aan qaadan dhaqanka Swedishka. Waxa uu intaasi ku diray in la sameeyo farqi muuqda oo u dhexeeya baasaboorka iyo sharciga deganaanshaha (uppehållstillstånd).

Waxa uu soo jeediyay in hoos loo dhigo xuquuqda dadka sharciga ku leh wadanka ee aan la hayn baasaboorka Sweden, tusaale ahaan in aan la siinin cayrta. Intaasi waxay ku dareen SD in kor loo qaado mudada qofku ku qaadan karo baasaboorka oo la gaarsiiyo ilaa 10-sano.

Fikradaan SD ayaa ah mid culeys weyn ku keenaysa dadka qaxootiga ku ah Sweden, qaasatan Soomaalida oo horey u sugaysay 8-sano balse haddii SD ay ku guuleystaan fikradaan ayay aad u adkaanaysaa in la qaato baasaboorka Sweden. Inkastoo SD aysan hadda ku jirin dowlada Sweden ayay macquul tahay in ay doorashada 2018 ay heshiis la galaan xisbiga Moderaterna (M) oo maalmahaan bilaabay in ay koobiyeeyaan fikradaha SD.

Sidee kula tahay fikrada Jimmie Åkesson?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here