Waa tanaa tuulada ugu qaboow aduunka, sidee u noolyihiin dadku?

1

Iyadoo barafkii iyo qaboowgii ay si dhab ah uga bilowdeen Sweden ayaa dad badan ka cabanayaan qaboowga saa’idka ah, iyadoo waqooyiga Sweden uu gaaray qaboow -43 C maalmihii la soo dhaafay. Balse ma ogtahay in ay jidho meel uu qabowgu gaaro -71 C oo waliba ay dadku caadi ugu noolyihiin?

Meeshaas ayaa lagu magacaabaa Ojmjakon oo ah tuulo yar oo ku taala wadanka Ruushka. Tuulada ayaa waxaa ka nool dad gaaraya 500 qof oo dhibaatooyin badan ay la soo darsaan oo ay ka midyihiin in ay qalimaanta wax qoriwaayaan, bateriga baabuurta oo shaqayn waaya iyo xitaa dadka ookiyaalaha isticmaala oo uu wajigooda ku dhago qaboow dartiis.

Dadka ku nool tuuladaas ayaan awoodin in ay wax abuurtaan qaboowga dartiis sidaa darteed waxay cunaan hilib oo keliya. Qadka telefoonka ayaan shaqayn xiliga qaboobaha. Markii ay cimiladu gaadho -52 C ayaa la xiraa iskuulada. Shaqada ugu dhibka badan ayaa ah dadka qabuuraha qodda, kuwaasoo ay ku qaadato 3 maalmood in ay qabri qodaan.

Xiliga xagaaga ayuu kuleylka gaaraa + 30 C.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here