SD oo noqotay xisbiga 2-aad ee ugu weyn wadanka, kuna socota 1-aad

2

Sida lagu soo bandhigay codbixintii ugu dambeysay ee laga qaaday shacabka Sweden ayaa xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ay markii ugu horeysay taariikhda Sweden galeen kaalinta 2-aad. SD ayaa booska kala baxay xisbiga Moderaterna (M) oo maalmahaan doonayay in ay koobiyeeyaan siyaasada SD balse u muuqda kuwo ku fashilmay.

Codbixinta oo ay sameeyeen Aftonbladet/Inizio ayaa muujinaysa in haddii maanta la qaban lahaa doorashada baarlamaanka Sweden ay SD heli lahaayeen 22.2 dhibcood halka xisbiga Socialdemokraterna (S) ay helayaan 23.2 dhibcood. Kaalinta sadexaad ayaa waxaa galaya M oo helay 21.3 dhibcood.

Sababta ay SD u korortay ayaa lagu tilmaamay in codbixiyaasha Sweden ay hadda isha ku hayaan qaxootiga, iyadoo SD ay yihiin xisbiga si weyn uga soo horjeeda qaxootiga. Haddii ay xaaladu sidaan ku socota ayay u badantahay in SD ay kaalinta 1-aad geli doonaan muddo aan fogeyn. Inkastoo hadda dhamaan xisbiyada wadanka ay ka mideysan yihiin in la joojiyo ama la yareeyo qaxootiga marka laga reebo xisbiga bidixda.

Xisbiga Miljöpartiet (MP) oo horay ay aad u jeclaayeen soo galootiga iyo dadka taageera ayaa hadda u muuqda mid dhulka galay, iyagoo helaya 4.6 dhibcood oo keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here