Israel oo wasiirka arimaha dibada Sweden mamnuucday

2

Dowlada Israel ayaa wadankeeda ka mamnuucday wasiirka arimaha dibada Sweden Margot Wallström ka dib markii ay ka xanaaqeen hadalo ay jeedisay wasiirka. Dowlada Israel ayaa ka carootay markii wasiirka arimaha dibada ay sheegtay in baaritaan lagu sameeyo dilalka ay Israel u geysato falastiiniyiinta.

Dowlada Israel ayaa sidoo kale cabasho u gudbisay safiirka Sweden u fadhiya wadankaasi. Israel ayaa sheegtay in siyaasiyiinta kale ee Sweden ka socota ay imaan karaan wadankooda balse wasiirka arimaha dibada aysan soo booqan karin, iyagoo ku tilmaamay Margot Wallström  in ay tahay haweeney Yuhuuda neceb.

Maadaama Margot Wallström  laga mamnuucay in ay booqato Israel ayaysan awoodi doonin in ay booqato Falastiin maadaama ay Israel maamusho xuduudaha laga soo galo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here