Daryeelka ilkaha Folktandvården waxa uu yareynayaa 50% khatarta in ilkaha ay godyeeshaan

0

Baaritaan ay samaysay Sahlgrenska akademin ee Göteborg ayaa muujisay in macaamiisha daryeelka caafimaadka ilkaha (Folktandvården) ay ku jiraan khatar ka yar 50% in ilkaha ay godyeeshaan marka loo barbar dhigo macaamiisha isticmaala adeega qadiimiga ah. Qofka leh adeega daryeelka caafimaadka ilkaha (Frisktandvård) ayaa ah mid kontoroolaya caafimaadka ilkahiisa iyo lacagtiisa. Maanta dad ka badan 600 000 ayaa doortay in ay helaan Frisktandvård. 

Frisktandvård waa daryeelka ilkaha oo joogto ah kaasoo aad ku helayso qiime go’an. Ma doonaysaa in aad hesho macluumaad ku saabsan Frisktandvård ama in aad baaritaan ku samayso caafimaadka ilkahaaga? Riix halkaan si aad u hesho goobta caafimaadka kuugu dhow. 

Macluumaad ku saabsan Frisktandvård

  • Frisktandvård waa daryeelka ilkaha oo joogto ah kaasoo aad ku helayso qiime go’an.
  • Qarashku waxa uu ku xiranyahay caafimaadka ilkahaaga. 
  • Waxaad u bixinaysaa bil-bil adiga oo isticmaalaya Autogiro ama Qarashka oo dhan hal mar bixinaya. 
  • Heshiisku waa sadex sano. 
  • Waxaad helaysaa daryeelka caadiga ah iyo midka degdega ah. 

In ka badan 75 sanno ayuu daryeelka caafimaadka ilkaha (Folktandvården) dadka ka caawinayay caafimaadka ilkaha. Folktandvården Stockholm waxaad ka helaysaa dhamaan daryeelka caafimaadka ilkaha, adeega fudud iyo kuwa addag, sida dayactirka, birgelinta, toosinta, qaliinka iyo caawimaada qofka ka cabsada daryeelka ilkaha. Caruurta iyo dhalinyarada ilaa ay ka gaaraan 19-sano waa bilaash. Ka bilaabata 1 bisha Janaayo sanadka uu qofku buuxiyo 20 sanno ayuu noqonayaa macaamiil lacag bixinaya. 

Mowduucaan waxaa suurto galiyay Frisktandvård.

AD