Dadkii ugu badnaa oo Sweden soo galay, isagana guuray!

12

Sanadkii tagay ee 2015 ayaa Sweden waxaa isaga guuray dadkii ugu badnaa taariikhda wadanka ilaa sanadkii 1850. Dadka isaga guuray Sweden ayaa u haajiray wadamo kala duwan, iyagoo isugu jira Swedish ku dhashay wadanka iyo dad ka soo jeeda wadamo kale oo ama ku laabtay wadankoodii ama u guuray wadan kale.

Waxaa guud ahaan wadanka isaga guuray 51,237  qof sanadkii la soo dhaafay. Dadkaas ayaa u guuray wadamo ay ku jiraan Maraykanka, UK, Talyaaniga iyo kuwo kale sida ay shaacisay hay’ada tirokoobka Sweden (SCB). Qaar kale ayaa ku laabtay wadamadoodii. Sababaha ay dadkaan uga guureen Sweden ayaan lagu sheegin warbixinta.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Sweden soo galay sanadkii hore ayaa aad uga badan kuwa ka guuray. Guud ahaan waxaa Sweden iska dhiibay sanadkii tagay dad gaaraya 163,000 qof kuwaasoo ay ku jiraan 35 400 qof oo isku dhiibtay caruur ahaan. Guud ahaan dadkii is dhiibay iyo kuwa ku soo galay ardaynimo iyo shaqo ayaa sharciga waxaa la siiyay tiro gaaraysa 109 000 qof.

Tirada Soomaalida iska dhiibtay wadanka ayaan la shaacin balse waxaa hubaal ah in ay hoos u dhacday tirada Soomaalida, qaasatan kuwa sharciga la siiyay maadaama ay Laanta Socdaalka bilaabeen in ay ka aamusaan Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here