Ninkii argagixisada lagu eedeeyay oo Swedishka xaflad u dhigay

6

Wiilka lagu  magacaabo Moder Mothanna Magid oo reer Iraq oo lagu eedeeyay bishii hore in uu maleegayay weerar argagixiso oo ka dhan Sweden, ayaa isbuucaan waxa uu xaflad iyo damaashaad u sameeyay Swedishka. Wiilkaan ayaa ka dib markii ay soo qabteen booliska Säpo lagu waayay wax dambi ah balse sawirkiisa ayaa wadanka oo dhan lagu faafiyay iyadoo dadka oo dhan ay u barteen in uu yahay nin argagixiso ah.

Wiilkaan ayaa markii laga soo daayay xabsiga go’aansaday in uu dib ugu laabto tuulada ay ka taalo xerada qaxootiga ee uu ku noolyahay oo lagu magacabo Boliden, isagoo isugu yeeray dhamaan dadka tuulada ku nool in ay kala soo qeyb galaan xaflad iyo damaashaad, taasoo uu ku doonayay in uu ku nadiifyo magaciisa.

Xaflada ayaa dhacday habeenkii jimcaha iyadoo ay ka soo qeybgaleen ilaa 100 qof. Waxaa meesha lagu soo bandhigay cuntada carabta, iyadoo saqdii dhexe ay meesha ka bilaabatay niiko iyo damaaashaad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here