Dowlada oo adkaynaysa qaadashada baasaboorka haddii uu kaa lumo

22

Dowlada Sweden ayaa maanta soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu adkaynayo bixinta baasaboorka iyo mamnuuc la saarayo in lagu biiro ururada argagixisada loo aqoonsaday. Dowlada ayaa sheegtay in si loo yareeyo dadka baasaboorka bugta ah ku soo gala wadanka in la adkayn doono in baasaboor la siiyo qofkii sheegtay in baasaboorka ka lumay.

Qorshahaan cusub oo ay isku raaceen dhamaan xisbiyada dowlada iyo mucaaradka marka laga reebo xisbiga Bidixda ayaa waxaa ugu muhiimsan in qofka uusan baasaboor cusub dalban karin 3 jeer ka badan shantii sano. Waxaa sidoo kale dambi laga dhigay ku biiritaanka ururada argagixisada loo aqoonsaday sida ISIS, Al-shabaab iyo kuwa la mid ka ah.

Dowlada ayaa sidoo kale fasax loo siiyay in ay isticmaasho kaamirooyinka si ay ula socoto dhaqdhaqaaqa shacabka iyo sidoo kale waxaa degmooyin lacag lagu siin doonaa sidii ay uga hortagi lahaayeen dhalinyarada in xagjir laga dhigo. Waxaa kale oo qorshaha ku jira in lacagta taageerada laga goosto masaajida looga shakiyo in ay faafiyaan xagjirnimada.

Guud ahaan qorshahaan cusub ayaa ujeedada tahay in kor loogu qaado amaanka wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here