Akhri oo is qiimee afartan qaybood ee bulshada ah qayb-teed ka mid tahay?

14

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan jecalahay inaan maqaalkan kooban idunkala wadaago eray bixin cusub oon u arkay inay kuhaboon tahay wakhtigan aan joogno gaar ahaan xili ay umadii soomaliyeed badankoodii noqdeen kuwa aan daganayn ama kusugnayn deegaanadii ay ku dhasheen sababo la idhiidha duruufo nololeed oo kala duwan ayna ugu muhiimsan yihiin Amaan-daro ka jirta meelo badan oo ka mid ah wadanka halka meelo kalena ay duruufaha ugu waawaayni ay yihiin kuwa la xidhiidha Dhaqaalo-daro oo dhalinyaradii oo ah bulshada inta ugu badani ka dhigay inay ka hayaamaan dalkoodii hooyo iyagoo marti ku ah dalal shisheeye oo ku kala yaala daafaha aduunka.

Hadaan u soo daadago dulucda maqaalkayga iyo erayada cusub een rabo inaad ila wadaagtaan ayaa waxa ay labo ka mid ah yihiin kuwa maqalkooda ama hadalhayntooda aad in badan maqasheen oo kala ah Qurbo-joog iyo Qolqol-joog halka labada kalena yihiin labo eray oo aan badanka loo isticmaalin.

Waxaan u kala qaadi doonaa labo qaybood iyadoo aan labo eray bixineed u isticmaali doono dadka ku nool dalka gudihiisa halka labada eray bixineed ee kalana aan u isticmaali doona dadka qurbaha ku nool. Fiiro Gaar ah “ Dadka qoxootiga ah ee kunool wadama dariska ah gabi ahaanba qayb kama ah eray bixintan. Ee dadka dibada kunool gaar ahaan wadamada dhaqaalaha badan ayaa labo qaybood u kala qaybinay oo aan kala siinay labo eray”.

Qaran-Ujoog = waa shakhsiga u hiiliya qarankiisa oo dhib iyo dheefba la wadaaga umadiisa kasoo aan dhana u dhaaifn dhulkiisa hooyo duruufo nololeed oo kasta oo soo food saara, Waxa kaliya ee uu dalkiisa uga baxi karaana ay tahay hawl muhiim sida Waxbarasho+Shaqo qaran. Qaybtan dadka ugu badani waa Odayaasha+Haweenka.

Qolqol-Joog= Marka laga reebo dadka qaran u jooga ah ee aynu kor ku xusnay, waxa jira iyaguna kuwa kale oo loo yaqaano qolqol-joog waana qof ku nool dalkiisa hooyo laakiin maskax ahaan qalibiga ka dhoofsan “Maqane jooga” waa qof ay ku yar tahay aaminsanaanta dhulkiisa hooyo kaasoo guusha u arka qurbaha iyo dalalka shisheeye, Qaybtan dadka ugu badani waa dhalinyarada iyo Siyaasitiinta

Qurbo-Joog= Waa qof kasoo ka hayaamay dalkiisii hooyo duruufo jiro awgeed kaasoo kunool wadan shisheeye lakiin damqashadii iyo u hiilinta dalkiisii iyo dadkiisa bartii ka sii wada kaasoo ay aad u badantahay waxqabadkiisa iyo caawinta uu ka gaysanayo haday ahaan lahayd Qoyskiisa iyo Qarankiisaba, Waxa ugu badan qaybtan jiilka cusub iyo qaybo ka mid ah jiilkii hore.

Qoxooti-Ujoog= Waa qof ka soo qaxay dalkiiisii hooyo oo kunool wadan shisheeye gaar ahaan wadamada dhaqaalaha badan leh sida (Europe+North America+Australi) oo iska daa wax uu dalkiisa kusoo kordhiyee isu arka inuu nasiib badnaa maalintii uu ka soo baxay dalkiisa una arka wadakniisa wadan fashilmay oo aad u liita, qofkaasi oo ay gabi ahaanba ka aqantahay damiirkii wadaninimo iyo damqashadii qarankiisa. Waxa u badan qaybtan dadka kuraagay qurbaha iyo kuwa isku haysta haysta inay u dhasheen wadamada ay dhalashada ka heleen.

Guntii iyo gabadii waxaan kusoo koobayaa qoraalkayga Akhristow is qiimee oo qaybtaad ku jirto adigu iska dhax hel?

Alaa Mahad leh.

Qore: Mustafa Nur.

mustafanh1@hotmail.com

Borlänge, Sweden

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here