Labo sano ayuu Sweden joogaa maantana waa dhaqtar!

7

Ninka lagu magacaabo Jawad Mirzad oo 45-sano jir ah waxa uu Sweden soo galay bishii December ee 2013 isagoo ka yimid wadanka Afghanistan. Jawad oo dhaqtar ahaa markii uu Afghanistan ku noolaa ayaa durbadiiba bilaabay in uu raadiyo wadadii uu Sweden kaga shaqayn lahaa dhaqtarnimo balse markii uu dadka u sheegay in uu doonayo in uu dhaqtar ahaan ku shaqeeyo hal-sano gudaheed ayaa lagu qoslay maadaama uusan xitaa luuqada aqoon.

Balse Jawad ma uusan  niyad jabin ee uu dadaal dheer ayuu u galay in uu luuqada barto isagoo SFI ku dhameeyay dhowr bilood ka dib u gudbay koorsada Swedisha ee caafimaadka (vårdsvenska). Ka dib markii uu dhameeyay ayuu shaqo tijaabo ah ka bilaabay hospitaalka Vårberg 1 sano ka dib markii uu wadanka soo galay. Shaqadaas ayuu caawiye u ahaa dhaqaatiirta kale inta uu sugayay ogolaashaha dhaqtarnimada, isagoo maanta helay oo ah dhaqtar rasmi ah 2 sano ka dib markii uu Sweden soo galay.

Hadaba sidee Jawad ku sameeyay horumarka degdega ah, isaga oo la hadlay wargeyska Göteborgsposten ayuu yiri:

“Markasta shaqsiga ayaa iska leh go’aanka mustaqbalkiisa, waa in aad isticmaashaa dhamaan fursadaha yaala Sweden. Waa adagtahay balse waa la samayn karaa. Haddii aad waqti dheer sugto in aad shaqayso waxaa kaa lumaya aqoonta. Waxaan doonayay in aan hal sano gudaheed ku helo shaqo dhaqtarnimo” 

Jawad ayaa marka uu isbarbar dhigo daryeelka caafimaadka ee ka jira Afghanistan iyo Sweden ayuu kula taliyay Swedishka in ay yareeyaan eedeynta daryeelka caafimaadka Sweden oo ay ka fikiraan sida xaaladu ay tahay wadamada kale oo uu liito daryeelka caafimaadka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Dadaalaa waa gaaraa”. Qisada Jawad ayaa muujinaysa muhiimada ay leedahay in qofku uu juhdi u galo in uu horumar ka gaaro wadanka oo haddii uu dadaal la yimaado uu gaarayo halka uu hiigsanyo. Waxaa kale oo meesha ka cad faa’iidada ay leedahay in uu qofku sheegto aqoontiisa iyo waxbarashadiisa.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here