Qaxooti doon ku soo galay Sweden iyo tareenada oo aqoonsi dadka waydiin doona

2

Iyadoo dowlada Sweden ay hada si degdeg ah u dhaqan-galinayso sharci ku qasbanaya shirkadaha gaadiidka dadweynaha sida tareenada, doomaha iyo basaska in ay dhamaan rakaabka waydiiyaan aqoonsi ayaa waxaa wadanka markii ugu horeysay taariikhda Sweden doon yar ku soo galay qaxooti.

Qaxootigaan ayaa la sheegay in ay ka soo degeen xeebta Skillinge ee gobolka Skåne, iyadoo aan la cadeyn halka ay ka soo safreen. Ka dib markii ay Sweden bilowday adkaynta xuduuda kala dhaxaysa Denmark ayay ku adkaatay qaxootiga in ay wadanka soo galaan, dadkaan doonta soo raacay ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee sidaa sameeya. Waxaa la tuhunsanyahay in dadkaan lagu soo qaaday markab oo xeebaha agagaarkooda lagu dajiyay, iyagoo markaas soo raacay doon yar oo aan awoodin in ay badda Baltica ka soo gudubto.

Dhinaca kale, dowlada ayaa shaacisay in ay dhaqan-galin doonto shuruuda in aqoonsi la waydiiyo cidkasta oo raacaysa gaadiidka dadweynaha ee Sweden ka soo gala wadamada dariska ah. Wasiirka Socdaalka ayaa sheegay in sharcigaan la dhaqan-galin doono ka hor ciida Kirismaska ee ku beegan December 25.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here