Wasiirka Socdaalka: Waa la dhaafay xadkii qaxootiga aan qaabili karno

9

Wasiirka Socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa war-saxafaadeed uu shalay qabtay ku cadeeyay in Sweden aysan awoodin in ay hada ka dib qaabisho qaxooti kale, iyadoo la dhaafay xadkii ay dowlada Sweden awoodi kari lahayd in ay dadka imaanaya meel-dajiso.

Ka dib markii ay dowlada Germany bilowday in ay shuruudaha ku adkayso qaxootiga ayaa waxay qaar badan go’aan ku gaareen in ay u soo haajiraan Sweden, iyagoo aamisan in halkaan ay ka fiicantahay. Taasi ayaa keentay in tirada imaanaysa wadanka ay cirka isku shareerto iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay keliya ay 2000 qof ka badan soo galeen wadanka.

Hadalka wasiirka ayaa laga dareemayaa in Sweden ay ku socoto isbedal weyn isla markaana ay doonayso in aysan qaxooti kale imaan wadanka. Xitaa waxaa jira warar sheegaya in dowladu ay doonayso in ay hoos u dhigto lacagta la siiyo magan-galyo doonka iyo in ay dib u bilowday dhaqanka galinta sharciga Dublin si taasi ay u noqoto fariin ku socota kuwa imaan doona in aysan isku soo lug’goyn Sweden.

Bishii April ayaa raysal wasaaraha Sweden Stefan Lövfen uu sheegay in Sweden aysan samayn doonin xad tiro oo ah inta qaxooti ay qaabili karto balse wasiirka ayaa shalay cadeeyay in uu jiro xad isla markaana hada la dhaafay xadkaasi oo aysan Sweden awoodin in ay qaabisho tirada intaan le’eg.

Haddii xaaladu sidaan ku sii socoto oo aysan joogsan qulqulka qaxootiga, ayay u badantahay in Sweden ay soo rogi doonto shuruudo adag oo la mid ah Denmark.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here