Sweden oo noqotay wadanka 5-aad ugu barwaaqada badan aduunka

14

Wadanka Sweden ayaa kaalinta 5-aad ka galay wadamada ugu barwaaqada badan aduunka, taasoo ah hoos u dhac ku yimid kaalinta Sweden. Wadanka Norway  ayaa kaalinta 1-aad galay, 2-aad waxaa galay Switzerland iyo Denmark ayaa kaalinta 3-aad gashay liiska oo sanadka ay samayso Prosperity Index.

Hoos u dhaca ku yimid barwaaqada Sweden ayaa lagu eedeeyay heerka dadka shaqo la’aanta ah iyo dhaqaalaha wadanka oo gaabiyay. Sweden ayaa dhinaca kale lagu amaanay dhinaca ganacsiga, iyadoo shirkadaha cusub ee Sweden laga aasaasayo ay cirka isku shareereen isla markaana ay hada Sweden noqotay wadanka ugu horeeya arimaha technoolojiyada iyo hal-abuurka ee wadamada waqooyiga Yurub.

Kaalinta ugu hooseysa ayaa waxaa liiska ka galay wadanka Central African Republic, Afghanistan iyo Haiti. Somalia ayaan lagu darin baaritaanka.

Si kastaba ha ahaatee, barwaaqada Sweden laga sheegay ayaa ah mid aysan la wadaagin soo galooti badan oo shaqo la’aan ah. Qaasatan Soomaalida ayaa ah kuwo inta badan shaqo la’aan ku haysato wadanka.

Sidee u aragtaa arintaan?

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here