SIDA oo ku hanjabtay in ay joojin doonto mashruucyada ay ka samayso wadamada faqiirka ah

2

Hay’ada Sweden u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee SIDA ayaa dowlada uga digtay in ay u isticmaasho lacagta deeqda ah si ay u soo dhaweyso qaxootiga ku soo qulqulaya Sweden. Wasiirka maaliyada Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in ay doonayso in la isticmaalo 60% lacagta deeqda loogu tagalay in lagu soo dhaweeyo qaxootiga cusub ee wadanka iska dhiibaya.

SIDA ayaa sheegtay in haddii ay dowladu isticmaasho lacagta deeqda loogu tagalay ay joojin doonto isla markaana ay ka noqon doonto heshiisyadii ay horey ula gashay ururada NGO-yada ee ka shaqeeya wadamada faqiirka ah. Waxay intaas ku dareen in natiijadu ay noqon doonto in kumanaan caruur ah ay iskuul la’aan ku dhacdo isla markaana dad kumanaan gaaraya ay biyo nadiif ah heli waayaan.

Miisaaniyada SIDA ee sanadkaan 2015 ayaa ah 40 bilyan oo kr taasoo loogu tala galay in lagu maalgaliyo mashruucyada horumarinta ee wadamada faqiirka ah oo ay ku jidho Somalia. Dowlada ayaa la sheegay in ay doonayso in lacagtaas 60% ay hada ku qarashgarayso kumanaanka qaxootiga ah ee soo galaya wadanka, taasoo dadka qaarkiis ay u arkaan mid xadgudub ku ah niyadsamida Swedishka oo caalamka ugu faana in ay yihiin kuwo aad ugu fiican deeqda balse hada aan doonayn in ay lacag dheeri ah ku bixiyaan qaxootiga badan ee wadanka sharciga ka dalbanaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here