“Sharciga waa ka ceshanaynaa qaxootiga”

13

Xisbiga sadexaad ee ugu weyn Sweden ee lagu magacaabo Sverige Demokraterna (SD) ayaa ka dhawaajiyay in ay doonayaan in ay sharciga ka ceshadaan qaxootiga horay loo siiyay. Xisbiga SD oo ah xisbi cunsuri ah ayaa isbuucyadii la soo dhaafay guulo waaweyn gaaray maadaama dowlada iyo xisbiyada kale ay bilaabeen in ay dhaqan-galiyaan siyaasadooda.

Xoghayaha xisbiga Richard Jomshof ayaa sheegay in ay doonayaan in sharciga laga ceshado qaxootiga, qaasatan waxa uu afka ku dhuftay qaxootiga ka soo jeeda Afghanistan iyo kuwa uu sheegay in ay soo mareen wadamo kale. Arintaan ayaan ahayn mid lala yaabo maadaama haddii ay SD wadanka maamusho la hubo in ay qaxooti badan sharciga ka ceshanayaan ama xitaa lagu yaabo dadka dhalashada Sweden haysta in ay baasaboorka kala noqdaan.

Arinta cabsida leh ayaa ah in SD ay hada yihiin xisbiga sadexaad ee ugu weyn wadanka isla markaana la filayo in taageeradooda ay kor u soo kacdo doorashada soo socota, maadaama xitaa xisbiyada kale ee isku tilmaama kuwo jecel soo galootiga sida Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ay hada bilaabeen in ay dhaqan-galiyaan qaar ka mid ah siyaasada SD.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here