Qurba joogta iyo hurinta colaada qabiilka

16

Sida aad la wada socotaan waxaa dagaalo beeleed/maamul ka soo cusboonaadeen gobolada dhexe ee Somalia qaasatan magaalada Galkacyo oo maalmihii  la soo dhaafay ay isku fara saareen maamulada Puntland iyo Galmudug. Dagaalkaas ayaa ah mid nasiib daro iyo dib u dhac ku ah bulshada Soomaaliyeed ee horay u socotay, ayaa waxaa muuqata in doorweyn ay ku leeyihiin bulshada qurba-joogta ah ee ka soo jeeda labada dhinac.

Waxaa muuqata in dagaalka uu si xoogan uga socdo qurbaha, iyadoo labada dhinac ay si weyn ugu ololeynayaan sidii uu dhinacooda dagaalka guul uga gaari lahaa. Qurba joogta labada dhinac ayaa waxay dhaqaale u dirayaan mooryaanta isku haysata Galkacyo si ay dagaalka u sii wadaan. Jaaliyadaha qabiilka ku dhisan ee ka jira Sweden ayaa isku habar-wacday oo mid-ba midka kale doonayaa in uu ka taageero bato.

Dhaqaale keliya ma ahan, ee goobaha fadhi kudirirka ayay isku faanayaan, oo dhinac waliba sheeganayaa in ay dagaalka guulo ka gaareen. Waxay telefoono joogto ah u dirayaan dalkii si ay ugu dhiiri galiyaan dagaalka iyo colaada. Waxaa muuqata in qurba-joogta ku nool qaboowga Sweden ay hurinayaan colaada qabyaalada ku dhisan ee ka socota Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here