Meel ka dhac! Ninkii wadanka lagu ceebeeyay oo dambi lagu waayay

1

Ninkii ay booliska Sweden sawirkiisa iyo magaciisa ay ku faafiyeen guud ahaan wadanka ee lagu magacaabo Moder Mothanna Magid  ee ah nin magan-galyo doon ah oo laga soo qabtay xero ku taala tuulada Boliden ka dib markii lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weerar argagixiso, ayaa maanta la sii daayay ka dib markii wax dambi ah lagu waayay.

Booliska Sweden ayaa shaaciyay in ninkaan oo 22-sano jir ah xabsiga laga siidaayay ka dib markii wax dambi ah lagu waayay. Arintaan ayaa dhalisay qeylo-dhaan weyn oo ku saabsan in ninkaan maskiinka ah mustaqbalka looga ciyaaray oo lagu eedeeyay dambi weyn oo uusan galin isla markaana sawirkiisa iyo magaciisa ay hada yaqaaanaan dadka oo dhan.

Qareenka ninkaan u dooday oo lagu magacaabo Ola Salomonsson ayaa sheegay in uu Magid doonayo in uu Sweden sii joogo isla markaana uu wali jawaab ka sugayo codsigiisa magan-galyada ee uu ka dalbaday Migrationsverket.

Ninkaan ayaa hada ku qasbin in la qariyo magaciisa iyo aqoonsigiisa ama xitaa in uu iska badalo magaca waayo dhibaato ayaa ka soo gaari karta cunsuriyiinta. Ola Salomonsson ayaa sheegay in uu Magid xaq u leeyahay in la siiyo magdhow dhaqaale maadaama sharaftiisa meel looga dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qof Muslim ah si been abuur ah loo eedeeyo, balse waxaa saldhig u ah xaalada kacsan ee ka jidha wadankaan iyo cabsida weerarada argixisada ee jahwareerka ku abuurtay siyaasiyiinta iyo ciidanka amaanka Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here