DEG DEG: Sweden soo si rasmi ah u joojisay qaxootiga Soomaalida

47

Dowlada Sweden ayaa maanta soo bandhigtay sharciyo cusub oo aad loogu xadidayo tirada qaxootiga wadanka soo galaysa, iyadoo ay dowladu si weyn wax uga badashay sharciga soo galootiga. Isbedalaan cusub oo qabanaya guud ahaan soo galootiga ayaa si qaas ah Soomaalida saameyn weyn ugu yeelan doona.

Isbedalada dowlada ay soo bandhigtay oo dhaqan gali doona bisha April ayaa waxaa ka mid ah:

  1. In dhamaan qaxootiga hada ka dib iska dhiiba Sweden la siinayo sharci ku meel gaar ah oo keliya, marka laga reebo dadka caruurta leh ee horay isku dhiibay iyo dadka xeryaha qaxootiga ay Sweden ka soo qaaday.
  2. Dowlada ayaa aad u yareyn doonta xuquuqda mideynta qoysaska, iyadoo sidoo kale adkeyn doonta shuruuda in aad biilan karto reerkaaga iyo in aad guri haysato. Qaasatan qodobkaan ayaa aad u qaban doona qoysaska Soomaalida.
  3. Qodobkii ugu muhiimsanaa ee Soomaalida sharciga lagu  siin jiray ee lagu magacaabo “Övriga skyddsbehövande” ayaa meesha guud ahaan laga saari doonaa. Iyadoo qodobkii kale ee dadka dhibaatada qaaska ah ay haysato ee lagu magacaabo “synnerligen eller särskilt ömmande omständigheter” isaga aad loo adkeyn doono oo dad qaas ah oo si bani’aadinimo oo keliya la siin doono. Isbedalka lagu sameeyay labadaan qodob ayaa guud ahaan irdaha ka xiraya qaxootiga Soomaalida oo horay sharciga lagu siin jiray labadaan qodob mid ka mid ah.
  4. Waxay kale oo Sweden bilaabi doontaa in dhamaan dadka raacaya gaadiidka tareenada iyo diyaaraha la weydiin doono aqoonsi.
  5. Waxaa sidoo kale wax laga badali doonaa baaritaanka da’da dadka caruurta isku dhiiba.

Sharcigaan cusub ayay dowladu sheegtay in uu jiri doono muddo sadex sano ah oo ka bilaabata bisha April ee sanadka soo socda. Wasiirka Deegaanka ahna raysal wasaare ku xigaanka Åsa Romson ayaa ilmaynaysay markii sharcigaan ay ku dhawaaqeen iyada iyo raysal wasaaraha.

Isbedalaan ayaa ah kuwii ugu weynaa ee lagu sameeyo sharciga soo galootiga Sweden, iyadoo Sweden ay hada la mid noqon doonta ama xitaa ka adkaan doonto wadamada deriska ah ee Denmark iyo Norway.

Sidee kula tahay arintaan? Saameyn makugu yeelan doontaa? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here