Weerarkii France ka dib Muslimiinta qaasatan Soomaalida waa loo yaabaa!

28

Sida aad la socotaan waxaa weerar argagixiso lagu qaaday caasimada wadanka France Paris jimcadii la soo dhaafay iyadoo halkaasi lagu xasuuqay dad badan oo ku caweysanayay goobo kala duwan. Weerarkaas ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay ururka ISIS ee ka dagaalamada wadanka Syria iyo Iraq. Weerarkaan ayaa ah midkii labaad ee lagu qaado France sanadkaan 2015 balse midkaan ayaa ah mid si weyn uga duwan kuwii hore.

Maadaama weerarka lagu qaaday bartilmaameedyo dad shacab ah oo aysan wax masuuliyiin iyo dhismoyaal dowladeed ahayn ayaa loo arkay mid wuxuushnimo ah oo xadkii dhaafay. Balse ururka ISIS ayaa lagu yaqaanaa ficilada noocaan ah. Saameynta ugu weyn weerarkaan ayaa ku dhici doonta Muslimiinta ku nool qaarada Yurub, kuwa France iyo xitaa Sweden. Soomaalida ayay saameyn ku yeelan doontaa maadaama aan nahay Muslimiin isla markaana Afrikaan ka muuqda bulshada.

Wadankaan Sweden ayaa weerarka ka hor xamaasada ay kacsanayd, iyadoo ka dib weerarkii lagu qaaday iskuulka Kronan ee magaalada Trollhättan ay Muslimiin badan cabsi ku noolaayeen, balse hadda ayay xaaladu ka sii dari doontaa. Waxaa caadi noqon doonta in booliska iyo ciidamada sirdoonka ay kordhiyaan shakiga iyo baaritaanka lagu hayo Muslimiinta. Cunsuriyada ayaa sii balaaran doonta iyadoo dad badan ay caadi u noqon doonto in ay waxkasta ka sheegeen Muslimiinta iyo Islaamka isla markaana aysan cidi ka jawaabin ama ka xumaan. Weerarada cunsuriyiinta ayaa sii kordhi doona, qaasatan Soomaalida ayaa bartilmaameed fudud noqon doona maadaama aysan lahayn dowlad difaacda ama ururo u dooda xuquuqdooda.

Yurub ayaa isbedal weyn ku bilowday, iyadoo ay bilaabatay xiritaanka xuduudaha. France ayaa xirtay xuduuda, Sweden, Germany ayaa bilaabay dib u dhaqan galinta sharciga Dublin. Waxaa shaki weyn laga qaadi doonaa qaxootiga, qaasatan kuwa Muslimiinta ah ee ka yimid Syria iyo Somalia.

Guud ahaan xaalada Muslimiinta ku nool Yurub ayaa ka sii dari doonta, iyadoo aan markii horeba fiicnayn, balse weerarkaan ayaa keenaya in shakiga iyo cabsida laga qabo Muslimiinta ay sii kororto. Waxaa sidoo kale sii kordhi doona cunsuriyiinta iyo dadka neceb diinta Islaamka oo si aan cabsi lahayn u soo bixi doona Islarmarkaana aflagaado iwm u soo marin doona diinta Islaamka saxaafada, kuwaasoo ay ku jiraan xitaa kuwii hore u diidi jiray in ay faafiyaanta hadalada cunsuriyiinta.

Muslimiinta, Soomaalida ku nool Yurub Allah ayaa u maqan oo waa loo yaabaa!

Sidee kula tahay adiga? Saameyn nuucee ah ayuu weerarkaas ku yeelan doonaa Soomaalida?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here