Video: Waayeelka Soomaalida iyo Swedishka oo isdhexgal loo sameeyay

4

Magaalada Borlänge ayaa waxaa laga bilaabay mashruuc isdhexgal loogu sameynayo waayeelka Soomaalida iyo Swedishka. Mashruucaan oo uu ka dambeeyo ururka ay ku midaysanyihiin waayeelka Swedishka ee lagu magacaabo PRO ayaa waxaa la doonayaa in la sameeyo kulan iyo wada-shaqayn dhexmarta waayeelada Soomaalida oo ay ku adagtahay isdhexgalka iyo barashada luuqada.

Abdi Haji oo ka mid ah jaaliyada ay ku mideysanyihiin waayeelka Soomaalida ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulankii ugu horeeyay, isagoo telefishinka SVT u sheegay in arintaan ay tahay mid aad u xiiso badan isla markaana ay tahay markii ugu horeysay ee uu la kulmo Swedish sidaa u badan.

Waxa uu intaas ku daray in uu markasta uu guriga iska joogo balse uu doonayo in uu luuqada barto. Isagoo intaas ku daray in haddii qof uu doonayo in uu Sweden ku noolaado ay waajibtahay in uu luuqada barto oo bulshada dhex galo.

Fikradaan ayaa ah mid cusub oo aan horay looga samayn Sweden. Waxaan wada ognahay in waayeelka Soomaalida ay dhibaato weyn ka haysato barashada luuqada isla markaana ay qaarkood ku noolyihiin kelinimo maadaama aysan dhex-gali karin bulshada.

Sidee u aragtaa fikradaan?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here