Warbixin soo bandhigtay fashilka ku yimid isdhexgalka soo galootiga

27
Rinkeby

Baaritaan uu sameeyay ninka lagu magacaabo Jan Edling oo shalay la soo bandhigay ayaa muujisay sida uu u fashilmay isdhexgalka dadka soo galootiga ah iyo Swedishka. Baaritaankaan oo lagu sameeyay 38 xaafadood oo ay u badnayihiin soo galootiga ayaa muujinaya sawir murugo leh oo ku aadan sida dadka xaafadaas ku nool ay uga hooseeyaan bulshada inteeda kale.

Xaafadaha sida Rinkeby, Tensta, Husby ee Stockholm iyo Rosengård ee Malmö ayaa ah goobo ay dadka ku nool 40% aysan waxna baran shaqana haysan. Ardada ku nool xaafadahaas ayaan iskuulka sadex meelood hal aysan dhamaysan dugsiga sare.

Jan Edling ayaa xaafadaha soo galootiga ku tilmaamay xerooyin lagu xareeyo dadka aysan bulshadu dooneyn, kuwaasoo uu ula jeedo soo galootiga. Waxa uu ku taliyay in dowladu ay si degdeg ah u abuurto komishin qaabilsan arimaha isdhexgalka oo ka shaqeeya sidii loo wada-dejin lahaa soo galootiga iyo swedishka.

Jan Edling ayaa sheegay in dambiyada ku soo badanaya xaafadaha ee ay geysanayaan dhalinyarada ay calaamad u yihiin fashilka isdhexgalka. Iyadoo dhalinyaradaas noqdeen kuwo rajobeelay oo dambiilenimada u arka wadada keliya ee ay kaga bixi karaan xaaalda adag ee ka jidha xaafadahaas.

Sidee kula tahay adiga xaalada isdhexgalka Sweden? Maku raacsantahay qoraaga warbixinta aragtidiisa?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here