Raysal wasaaraha: Shirkadaha Swedishku waa cunsuriyiin

6

Raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa shirkadaha wadanka ku eedeeyay in ay yihiin cunsuriyiin aan doonayn in ay shaqaalaysiiyaan dadka soo galootiga ah. Raysal wasaaraha ayaa qirtay in Sweden ay ku fashilantay arimaha isdhexgalka balse waxaa uu eeda inta badan saaray shirkadaha.

In shirkadaha Swedishku ay cunsuriyeeyaan soo galootiga ayaa ah mid la wada ogyahay oo markii dadka magaca ajaanibta leh ay shaqo dalbadaan aan xitaa wareysi loogu wicin. Intaas waxaa sii dheer in ajaanib badan oo waxbarasho sare leh ay ka shaqeeyaan shaqooyin aad u hooseeya oo aan u qalmin waxbarashooda.

Ganacsatada Sweden ayaa inta badan waxay u codeeyaan xisbiga Moderaterna (M) iyagoo ka soo horjeeda siyaasada xisbiga Socialdemokraterna (S) ee uu hogaamiyo raysal wasaare Stefan Löfven. Bilihii dambe ayaa xitaa waxaa soo baxay in qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn iyo ururada matala shirkadaha in ay la shaqeeyaan xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Si kastaba ha ahaatee raysal wasaaraha ayaa intaas ku daray in xaaladu ay hada soo hagaagayso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here