Qaxootiga oo dhan sharci laga safi maayo!

22

Ka dib markii ay dowlada Sweden ku dhawaaqday in hada ka dib ay bixin doonto sharci ku meel gaar ah ayaa waxaa muuqata in dadka qaar ay  qalad u fahmeen hadalkaas, iyadoo laysla dhexmarayo in guud ahaan qaxootiga kuwa cusub iyo kuwii horey u joogay intabada sharci ku meel gaar ah laga safi doono.

Hadaba arintaas ayaan ahayn mid sax ah, oo aysan  jirin cid shaacisay. Qofkasta oo magangalyo ka dalbada Sweden ayaa la marsiin doonaa nidaamkii caadiga ahaa ee baaritaanka iyo go’aanka ku salaysan. Iyadoo qofkii  xaq u leh magangalyo la siin doono sharci ku meel gaar ah oo sadex sano ah. Qofkii aan magangalyo xaq u lahayn ayaa sidii caadada ahayd diidmo la siin doonaa laguna amri doonaa in uu wadanka ka baxo.

Dadka sharciga ku meel gaarka ah la siiyay ayaa haddii ay shaqo rasmi ah helaan waxaa loogu badali doonaa sharci joogto ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here