Finland oo joojisay in ay sharci siiso Soomaalida

14

Laanta Socdaalka Finland (Maahanmuuttovirasto) ayaa war saxaafadeed ay shalay soo saartay ku cadeysay in wax laga badalay aragtidooda ku aadan qaxootiga Soomaalida. Warbixinta ayaa lagu sheegay in xaalada amaanka Somalia ay soo hagaagtay sidaa darteed go’aamada magan-galyada lagu salayn doono baahida shaqsiyaadka ee aan la eegi doonin halka ay ka yimaadeen.

Arintaan ayaa la mid ah go’aankii ay Sweden horay u gaadhay oo hada lagu saleeyo go’aamada qaxootiga qisada qofku uu sheegtay. Finland ayaa shaacisay in si gaar ah mudnaanta loo siin doono dhowr kooxood oo bulshada Soomaalida ka mid ah sida dumarka, caruurta, khaniisiinta, dadka jabiya shareecada Islaamka iyo kuwa ka soo horjeesta Al-shabaab.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Finland ay isha ku hayn doonto xaalada Somalia iyo sida amaanka uu isku badalo balse go’aankaan ayaa ah mid cad oo saameyn ku yeelan doona inta badan Soomaalida iska dhiibaysa wadankaasi. Macnaheedu waa in sharciga lagu adkayn doono qofka Soomaaliga ah ee aan la imaan sheeko lagu qanci karo isla markaana aan ka tirsanayn kooxahaha aan kor ku soo xusnay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here