Cunsuriyiinta oo gubay xeryo qaxooti

8

Isbuucaan keliya ayaa daafaha Sweden waxaa dab la qabadsiiyay afar xero oo qaxootiga loo diyaariyay. Xalay ayaa dab la qabadsiiyay xero ku taala kamuunka Munkedal iyadoo aysan booliska ogeyn ilaa hada cida ka dambeyso gubitaanka xeryaha qaxootiga. Xeryaha la gubay ayaa ah kuwo aysan wali soo deggin qaxootiga balse loo diyaariyay.

Booliska ayaa aaminsan in xiriir uu ke dhexeeyo xeryaha la gubay, iyagoo hada baaritaan ku bilaabay. Cunsuriyiinta xagjir ah ayaa dhowr jeer ku goodiyay in ay gubi doonaan goobaha qaxootiga la dejinayo.

Ilaa bilowgii sanadkaan ayaa 10 xero oo qaxooti la gubay. Maadaama ay aad u soo badanayaan tirada magangalyo doonka imaanaya Sweden ayaa taasi ay abuurtay xaalad kacsan, iyadoo hada xitaa meelaha qaarkood looga dhisayo teendooyin maadaama aan lahayn guryo la dajinayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here