Heshiiskii Decembar oo burburay!

9

Xisbiga KD (Kristendemokrati) oo ka mid ah xisbiyada is-bahaysiga  dhinaca midig ee la isku dhaho Alliansen ayaa buriyey balantii ay la galeen xisbiyada bidix ee talada wadankan haya.

Ka dib doorashadii guud ee dhacday xagagaagii 2014 waxaa soo baxday in xisbiyada bidix iyo midig uusan midna ku guulaysanin aqlabiyad uu wadanka ku hogaamin karo sidaas daraadeed ayaey kala saxiixdeen heshiis lagu soo koobay afar qodob oo kala ah:

  • In wadanka uu hogaamiyo isbahaysigii hela codadka ugu badan iyadoo markaa ka dib jagada Ra’iisul wasaaraha uu qaadanayo xisbiga ugu codka badan.
  • In aan cod ahaan looga soo hor-jeesaan miisaaniyada ay keento dowlada aan aqlabiyada ku lahayn baarlamaanka.
  • Xisbiyada S (socialdemokrati) iyo MP (miljöpartiet) waxay balan qaadeen in aysan kordhinin canshuuraha laga qaado dadka mushaar ahaan uu u soo galo dakhliga badan.
  • In labada garab ee bidix iyo midig ka wada shaqeeyaan sadedex siyaasadood oo kala ah:
  1. Siyaasada difaaca iyo amaanka
  2. Siyaasada gunnada waayeelka (Pension)
  3. Siyaasada tamarta (Energi)

 

Maanta galenkii dambe ayey  ahayd markii xisbiga KD golihiisa dhexe ay u codeeyeen in laga baxo balantii lala galay xisbiyada bidix ee tallada wadanka haya taasoo la micno ah hadii hal xisbi oo ka mid ah Alliansen uu ka baxo heshiiska in gebi ahaanba uu burayo heshiiska.

Durbadiiba waxaa soo baxay fal-celisyo ka yimid dhanka xisbiga cunsuriga ah ee SD”Waan soo dhaweyneynaa go’aanka xisbiga KD, isbuuca dambe waxaan muujin doonnaa kalsooni darro aan ku qabno wasiirada maaliyada Magdalena Andersson. Waa xiligii doorasho cusub loo dareeri lahaa” sidaasi waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray hogaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Waxaa sidoo kale arintan ka hadlay xisbiyada Alliansen ee garabka midig iyagoo wada jira ayeyna ku dhawaaqeen in heshiiskii buray.

Ra’iisul wasaaraha wadanka Steven Löfven ayaa dareen carro leh ka muujiyey go’aanka ay qaateen xisbiyada Alliansen isagoo sheegay in ay ilaalin waayen go’aankii ayy hoosta ka saxiixeen oo ay weliba difaaceen iyagoo hor-taagan dadkii doortay.

Ilaa iyo hada lama oga sida ay xaaladu noqon doonto laakiin hadii aan heshiis cusub dib loo saxiixan waxay u badan tahay in doorasho cusub dhici doonto dabayaaqada sanadka 2015.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here