Finland oo joojisay qaxootiga Soomaalida

18

Laanta Socdaalka Finland ayaa shaacisay in ay joojinayaan go’aamada la xiriira qaxootiga ka soo jeeda Somalia iyo wadanka Iraq maadaama ay qiimeyn ku samaynayaan xaalada amaanka ee labada wadan. Laanta ayaa shaacisay in guud ahaan aan wax go’aan cusub ah laga gaari doonin qaxootiga ka soo jeeda labada wadan.

Qiimeynta xaalada amaanka ayaa qaasatan lagu samaynayaan koonfurta Somalia, iyadoo la sheegay in ay qaadan karto ilaa 2 isbuuc. Warbixinada ay qoreen saxaafada Finland ayaa muujinaya in ay dowlada doonayso in ay Soomaalida ku adkayso sharciyada. Ilaa hadda ayaa Finland waxay inta badan sharciga siinaysay Soomaalida ka soo jeeda koonfurta iyo Muqdisho.

Sweden ayaa horay u badashay aragtideeda ku aadan xaalada amaanka ee koonfurta Somalia, iyadoo hada ay ku adagtahay dadka Soomaalida ah in sharci laga siiyo Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here