Xaalada qaxootiga cusub iyo sida loo caawin karo

8

Qaxa iyo qaxootinimada waxay noqdeen qeyb nolosheyda ka mid ah, in kasta oo waqti badan laga joogo markii ugu dambeysay ee aan qaxo hadane shaqdeyda maalinlaha ah ayaa i soo xasuusisa wax badan. Qaxootigii ugu badnaa aduunka ka dib dagaalkii labaad ee aduunka ayaa qaxaya maanta.

War-bixinta sanadlaha ah ee UNHCR waxaa lagu sheegay in ku dhawaad 60 Miljan oo qof ay maanta dunida qaxooti ku yihiin iyada oo ay laba meelood meel ka mid ah yihiin caruur. Qaxootigaas waxaa sababay dagaalada dunida ka jira oo ah kuwa cusub iyo kuwa kale oo horey u socday. Sida ku cad war bixintan  5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa dunida ka qarxay 15 dagaal 8 ka mid ah waxay ka qarxeen qaarada Afrika  Tusaale ahaan: Central Arica Republic, Libya, Mali, Nigeria, South Sudan, iyo brundi. Seddex ka mid ah waxay ka qarxeen Bariga dhexe sida Syria, Irak iyo Yemen. Yurub waxaa ka socda dagaalka Ukrain. Sidoo kale Asia waxaa ka jidha bara-kicinta Burma. Intaas waxaa sii dheer dagaalo hore oo weli ka socda Somalia iyo Afganistan.

Dad Badan oo naftooda la cararaya ayaa soo mara wadooyin kala duwan si ay u helaan mustaqbal iyo nnolo wanaagsan, sanadkan kaliya dadkii  ugu badnaa ayaa ku dhintay biyaha Mediterranean-ka iyagoo u soo socda wadamada Yurub.

Sawirka Wilke Yara ee 3 sano jidhka ahaa Aylan ee ku dhintay biyaha u dhexeeya Turkiga iyo Greece ayaa soo jiitay indhaha caalamka, Ka dib markii lagu faafiyeen aalada internet-ka ayuu sababay in dad badani ay kacaan oo ay sameeyaan ficil bani’aadaminimo.

Sida loo soo dhaweynayey dadka qaxootiga ah ayaa ahayd arin aad loogu farxo iyadoo laga hor geynayey cuno, cabitaan iyo dhar laga xidhto dhaxanta. Qof walba intuu awoodo ayuu bixinayey si dadkaas loo caawiyo.

Dad badan oo soomaali ah oo aan ku arkay social media (aalada internetka) ayaa aad uga soo horjeeda in ay  caawiyaan dadka qaxootiga ah iyagoo ku doodaya “ma caawin karno carab, marka hore waa inaan soomaalideena caawinaa”

Marka ugu hoeysa waad qaldan tahay hadii aad aaminsantahay in qaxootigu yihiin carab oo kaliya, marka labaad dadkaaga aad dooneysid in aad caawiso waxay ku dhex jiraan dadka kale  ee qaxootiga ah, si aad iyaga u caawisid waa inaad joogtaa meesha qaxootiga guud lagu caawinayo.

Waxaan jeclaan lahaa in aan idinla wadaago sida ugu fiican ee loo caawin karo dadka cusub, waa adiga oo dhiira-geliya, la wadaaga qibradada iyo in aad noqotid tusaale fiican oo positive ah.

Fadlan qofna ha ku dhihin wadan ayaa wadan kale ka fiican ama sharciga ayaa dhaqso lagu helaa wadan hebel, maxaa yeelay qofka inuu sharci helo ama waayo kuma xidhna wadan ee waxay ku xidhantahay kiiska dacwada qofka.

Dhamaan dadka cusub ee wadankan yimid waxaan leeyahay soo dhawaada anigoo u rajeynaya in Illahay u fududeeyo nolosha cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here