Tirada qaxootiga soo galaya Yurub oo cirka isku shareertay & dood kulul oo ka taagan

41

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay tirada qaxootiga ee lugta iyo badda ku soo galaya Midowga Yurub. Kumanaan qof ayaa ka soo talaabtay xuduuda wadanka Serbia kuwaasoo u soo gudbay Hungary kuna wajahan wadamada Germany iyo Sweden kuwaasoo soo dhaweyn fiican u sameeya qaxootiga.

Qaasatan wadanka Germany ayaa lagu amaanay in ay albaabada u fureen qaxootiga Syria, iyadoo raysal wasaaraha Germany Angela Merkel ay sheegtay in ay soo dhaweyn doonaan qaxootiga isla markaana ay Germany awoodo in ay daryeesho dhamaantood maadaama wadankaasi uu yahay mid qani ah.

Magaalada Munich ee wadanka Germany ayaa sawirada ka imaanaya ay muujinayaan in kumanaan qaxooti ah ay maalinkasta tareen ku soo gaaraya halkaasi kuwaasoo ka soo raacay magaalada Budapest ee wadanka Hungary. Hungary ayaa sidoo kale bilowday hada in ay hor-istaagto soo galootiga ku wajahan Germany taasoo dood weyn ka dhalisay midowga Yurub. Madaxda 28 wadanka ee EU-da ayaa dhawaan kulmaya si ay uga wada-hadlaan dhibaataan iyo sida loo wajihi karo. Qaxootiga soo galaya Yurub bilihii la soo dhaafay ayaa lagu tilmaamay tiradii ugu badnayd ilaa dagaalkii labaad ee aduunka.

Sweden ayaa sidoo kale waxaa ka taagan dood kulul oo ku saabsan tirada uu wadankaani qaadan karo, iyadoo hada Sweden ay tahay wadanka labaad ee ugu qaabilaada badan. Xalay dood kulul oo dhexmartay gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ha ee SD Jimmie Åkesson iyo gudoomiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf ayaa waxay si kulul uga doodeen arimahaan. Iyadoo Åkesson uu sida caadada ahayd sheegay in uu doonaya in uu xiro xuduudaha Sweden oo aysan soo galin qaxootiga. Halka Annie Lööf ay cadaadis ku saartay in uu cadeeyo siyaasadiisa ku aadan dadka hada wadanka ku nool, isagoo ka leexday jawaabta.

Si kastaha ha ahaatee, sawirada naxdinta leh ee ka imaanaya xuduudaha Yurub iyo qulqulka qaxootiga ayaa dhalinaya aragti cusub oo ku aadan sida ay Yurub ula tacaalayso qaxootiga iyo in ay noqonayaa kuwo ka dhabeeya bani’aadinimada ay sheegtaan ama in ay noqdaan kuwo xuduudaha ka xirta qaxootiga Syria u badan ee dagaaladu ay saameeyeen wadankooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here