Qaxootiga cusub oo xabsiyada la dajinayo

18

Wasiirka Socdaalka Sweden Morgan Johansson ayaa warbaahinta u sheegay in dowlada ay eegayso sidii magan-galyo doonka cusub ee faraha badan loogu heli lahaa meel la dajiyo, isagoo soo qaaday in maxaabiista Sweden ee aan la isticmaalin ay noqon karaan deegaanka qaxootiga.

Maadaama uu hoos u dhacay heerka dambiyada ee ka dhaca Sweden ayaa hay’ada maamusha xabsiyada eee Kriminalvården waxay iska xirtay qaar ka mid ah xabsiyada, iyadoo hada laga yaabo in xabsiyadaas dib loo furo si qaxootiga loo dajiyo.

Hadaba in qaxootigu ay ku farxi doonaan in xabsi la dajiyo ayaa ah arin su’aal ay ka taagantahay maadaama qaar badan oo ka mid ah dadkaan ay sawir xanuunbadan ka haystaan xabsiyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here