Barafkii oo ka bilowday Sweden

73

Barafkii ayaa si rasmi ah uga bilowday waqooyiga Sweden habeenkii jimcaha, iyadoo ay la socdaan roobab iyo heerka cimilada oo aad hoos ugu dhacday. Hay’ada SMHI ayaa shacabka ugu digtay roobab mahiigaan ah iyo qabowga xagaaga oo hada bilowday.

Hay’ada la socodka cimilada Sweden ee SMHI ayaa shacabka u jeedisay digniinta nuuca 1 kaasoo ah in roobabka ay saameyn ku yeelan karo isku socodka gaadiidka iyo in uu geysto waxyeelo kale. Heerkula ayaa la filayaa in uu aad hoos ugu dhaco, isla markana koonfurta Sweden ayaa waxaa ka bilowday daadad fara badan.

Si kastaba ha ahaatee, SMHI ayaa sheegay in uusan si rasmi ah u bilaaban xagaaga, oo isniinta la filayo in ay soo baxdo qoraxda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here