5 200 qaxooti ah ayaa Sweden soo gashay isbuucii hore

12

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa shaacisay in isbuucii hore ay Sweden soo galeen qaxooti gaaraya 5 200 qof taasoo ah tiradii ugu badnayd ee abid soo gasha Sweden muddo isbuuc ah. Dadkaas qaxootinada dalbaday ayaa waxaa 2 648 ka soo jeedaan Syria, halka 700 ay ka yimaadeen Afghanistan iyo 532 oo Ciraaq ka timid. Inta kale ayaa ka soo jeeda wadamo kala duwan oo Soomaalia ku jidho.

Tirada dadka isku dhiibaya caruurta ayaa aad u korortay sidoo kale, iyadoo 923 qof ay isbuucii hore isku dhiibeen caruur-nimo. Dadka caruurta isku dhiibaya ayaa kala bar ka soo jeeda Afghanistan, iyadoo Soomaali ay yihiin 34 qof.

Qaxooti badan ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo gudbay xuduuda Denmark iyo Sweden iyadoo hada aysan dowlada Sweden eegeyn faraha qaxootiga ka yimaada Syria. Xitaa shirkada tareenada ee SJ ayaa joojisay waydiinta aqoonsiga si qaxootigu ay si xor ah ugu safraan tareenada.

Si kastab ha ahaatee, tirada qaxootiga soo galaya Sweden ayaan u dhawayn kuwa imaanaya Germany, halkaasoo isbuucii hore ay 10.000 qof ka badan isk dhiibeen hal maalin oo keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here