Lacagta cayrta oo la kordhinayo

26

Sida ay qortay idaacada Sweden dowlada iyo xisbiga bidixda ayaa ku heshiiyay in la kordhiyo lacagta cayrta ee la siiyo qoysaska danyarta ah. Qoysaska ay u joogaan caruurta da’ooda u dhaxayso 7 ilaa 20 sano ayaa lacagta cayrta waxaa loogu dari doonaa 250kr bishii taasoo ka bilaaban doonta sanadka 2016.

Qoyska ay u joogaan caruurta da’dooda ka yartahay 7 sano ayaa lacagta cayrta loo kordhin doonaa 100kr.

“Annag waxaa muhim noo ah in aan hagaajino sharuudaha nolaleed ee ay ku sugan yahiin qoysaska caruur leyda ah ee danyarta ah. In loo kordhiyo masruufka waa arrin wanaagsan oo toos u gaaraysa reeraha danyarta ah” ayey tiri afhayeenka arrimaha dhaqaalaha ee xisbiga Vänsterpartiet Ulla Andersson oo la hadashay SR.

Ulla Andersson oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in doonayaan ay dib ugu habeeyaan masruufka reeraha danyarta ah in dawooyinka caruurta reeraha danyarta ah laga dhigo lacag la’aan , ookiyaalaha aragtida laga saacido reeraha aan awoodin in ay caruurta u iibiyaan , dhamaan waxyaabahan waxaan qabnaa in ay waxtar u yeelan doonto dhaqaalaha qoysas faro badan. Waana wax aad annaga muhim noogu ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada ayaa ka laabatay balan-qaadkoodii ku saabsanaa in ay kordhin doonaan lacagta caruurta ee Barnbidag.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here