Dowlada oo ka laabatay kordhinta lacagta caruurta

9

Dowlada Sweden oo sanadkii hore ololaha doorashada ku balan-qaaday in ay kordhinayaan lacagta caruurta (barnbidrag) ayaa hada u muuqata in ay ka laabatay balan-qaadkii ay sameeyeen. Sida ay sheegtay idaacada Ekot miisaanaya cusub ee dowlada ayaa laga saaray kordhinta lacagta caruurta.

Dowlada Stefan Löfven ayaa sanadkii hore balan-qaaday in ay lacagta caruurta ay kordhin-doonaan 100kr. Lacagta Barnbidrag ayaa hada ah 1050kr, iyadoo dowladu aysan waxba ka badali doonin. Lacagta daryeelka caruurta ayaa ilaa sanadkii 2006 aan waxba laga badalin. Xisbiga Socialdemokraterna (S) ayaa aad u buunbuuniyay kordhinta lacagtaan ololihii doorashada balse hada ayay u muuqdaan kuwo ka baxay balan-qaadkoodii.

Miisaanaya ayaa la soo bandhigi doonaa maalinta isniinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here