Video: Haween Soomaali ah oo lagu weeraray Boden

20

Habeenkii khamiista ayaa waxaa magaalada Boden lagu weeraray labo gabdhood oo Soomaali ah  iyo caruur ah kuwaasoo ay soo weerartay haweenay caraysan oo ku hubaysan sunta dadka ka ilmaysiisa. Haweeneydaan ayaa la sheegay in ay ku buufisay haweenka Soomaalida ah iyo caruurta sunta taasoo keentay in haweenka Soomaalida ah loo qaado hosbitaalka.

Ruma Haji Ibrahim oo ka tirsanayd labada haweenka Soomaalida ah ee la weeraray ayaa telefishinka SVT u sheegtay in ay wali dareemayso madax xanuun isla markaana aysan ogeyn sababta ay haweenayda u soo wareertay maadaama aysan waxba ku samayn iyagu. Waxay sheegtay markii ay soo galeen dabaqa ay deganyihiin in ay haweenaydaan ay ku sugaysay jaranjarada iyadoo ku buufisay sunta dadka ka ilmaysiisa.

Booliska ayaan wali soo xirin haweenaydii falka geystay, iyadoo ay gabdhaha ka codsadeen booliska in ay arinta wax ka qabtaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here