Tima-jarayaasha Sweden oo aan aqoonin sida loo jaro timaha Afrikaanka

6

Ardada ka soo baxday iskuulada lagu barto tima-jaraha ayaa la sheegay in aysan aqoon u lahayd sida loo jaro timaha dadka Afrikaanka ah. Idaacada Sweden oo wax ka qortay arintaan ayaa soo bandhigtay in ardada dhigata barnaamijka timajaraha ee dugsiyada sare aan la barin sida loo jaro timaha adag.

Inkastoo ay jidho koorso lagu barto jaritaanka timaha Afrikaanka ayaysan koorsadaasi ahayn mid waajib ah. Sidaa darteed ayay arday badan aysan qaadan koorsada isla markaana aysan aqoonin sida loo jaro timaha afrikaanka. Dad badan ayaa ku qasban in ay aadaan xaafadaha soo galootiga si ay ula helaan cid taqaana sida timaha loo jaro.

Skolverket oo ah hay’ada Sweden u qaabilsan arimaha iskuulada ayaa aaminsan in nidaamka loo jaro timaha uu isku midyahay oo dhamaan ardada qaadata barnaamijka timajaraha ay aqoon u leeyihiin sida loo jaro dhamaan nuucyada kala duwan ee timaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here