SD oo noqday xisbiga ugu weyn Sweden

6

Afti ururintii ugu dambeysay ee laga qaaday shacabka Sweden ayaa muujinaysa in xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ay hada yihiin xisbiga 1-aad ee ugu weyn Sweden. Waxay hada ka codbateen xisbiyada qadiimiga ah ee Socialdemokraterna (S) iyo Moderatenra (M).

Baaritaankaan oo ay samaysay YouGov ayaa muujinaya in SD ay hada helayaan cododka 25,2%,baaritaankaan uu yahay mid lagu kalsoonaan karo,. Quburada siyaasada ayaaa ku tilmaamay in arintaan ay ka dambayso maadaama Swedish badan ay cabsi ka qabaan qaxootiga badan ee soo galaya wadankooda isla markaana ay SD yihiin kuwa sheegta in ay wax ka qabanayaan oo joojinayaan qaxootiga.

Waxaa kale oo lagu macneeyahay taageerada korortay ee SD inay lug ku leedahay falalka dambiyada ee ka dhacaya wadanka, qaasatan dhawaan markii dhowr qof oo soo galooti ah ay dilal ka geysteen wadanka. SD ayaa aaminsan in wadanka laga saaro soo galootiga dambiyada kala isla markaana waxay balan qaadeen in 90% ay joojinayaan soo galootiga.

Sören Holmberg oo ah qabiir xaga siyaasada ah oo wax ka dhiga jaamacada Göteborg ayaa aaminsan in isbedal uu ku dhici doono aragtida dadka iyo aftidaan oo ay u badantahay in natiijiada dhabta ah ee doorashada 2018 ay sidaan ka duwanaan doonto.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay dhacdo in SD ay noqdaan xisbiga ugu weyn Sweden ayay taasi keeni doontaa isbedalkii ugu weynaa ee ka dhaca Sweden isla markaana ay noqon doontaa mid dhibaato u horseeda soo galootiga wadanka ku nool iyo kuwa soo gali doona.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here