Sadex sano maxay ka badalaysaa aqoonsigayga?

17

Waxaa sidaa u sheegay wargeyska Falköpings Tidning Mohamed Husein oo ah afhayeenka ururka Somaliska Kulturföreningen i Skaraborg isagoo uga waramay wargeyska dhibaatada ka haysata Soomaalida in ay sugaan 8 -sano baasaboorka halka soo galootiga kale ay sugayaan 5-sano oo keliya.

Mohamed ayaa sheegay in uu doonayo in Swedishku ay ogaadaan in Soomaalida faqooq lagu haayo, arintaana ay muhiimtahay maadaama laga soocay Soomaalida soo galootiga kale. Wargeyska ayuu si fiican ugu sharaxay caqabadaha ay arintaan ku hayso Soomaalida isagoo siyaasiyiinta ka dalbaday in ay arintaan wax ka badalaan.

Waxa uu sheegay in uu la xiriiray wasiirka Socdaalka Morgan Johansson kaasoo u balan-qaaday in uu jawaab ku soo celin doono. Mohamed Husein ayaa xitaa sheegay in ay mudaharaadyo abaabuli doonaan haddii loo baahdo.

Arinta ay sameeyeen Soomaalida Skaraborg ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo loo baahanyahay Soomaalida guud ahaan daafaha wadanka in ay la xiriiraan saxaafada gudaha isla markaana ay ogeysiiyaan siyaasiyiintooda arintaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here